Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Image

KISMAAYO — Wararka ka imanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ay xoogaga Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada dowlad goboleedka Jubaland ay ku leeyihiin deegaanka Kudhaa.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyey in weerarku ku bilaabmay qaraxyo ka dibna uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo xoogagii weerarka soo qaaday.

Kudhaa waa deegaan istiraatiiji ah oo dhaca xeebta, qiyaastiina 60 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Saraakiisha amniga ee Jubaland oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay iska caabiyeen weerarka, iyagoo xaqiijiyey inay fashiliyeen isku daygii Al-Shabaab ay ku doonayeen inay ku galaan xerada.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

Waxay sidoo kale sheegteen inay dileen askar badan, qaar kalena ay maxaabiis ahaan u qabteen, in kastoo aanay jirin ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaas.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkaas, iyadoo xaaladdu ay weli tahay mid kacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM