Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Image

KISMAAYO — Wararka ka imanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ay xoogaga Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada dowlad goboleedka Jubaland ay ku leeyihiin deegaanka Kudhaa.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyey in weerarku ku bilaabmay qaraxyo ka dibna uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo xoogagii weerarka soo qaaday.

Kudhaa waa deegaan istiraatiiji ah oo dhaca xeebta, qiyaastiina 60 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Saraakiisha amniga ee Jubaland oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay iska caabiyeen weerarka, iyagoo xaqiijiyey inay fashiliyeen isku daygii Al-Shabaab ay ku doonayeen inay ku galaan xerada.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

Waxay sidoo kale sheegteen inay dileen askar badan, qaar kalena ay maxaabiis ahaan u qabteen, in kastoo aanay jirin ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaas.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkaas, iyadoo xaaladdu ay weli tahay mid kacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM