Al Shabaab oo markale weerartay Afgooye

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Dagaalyahano hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa caawa weerar markale ku qaadey degmad Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, oo 30Km waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Dad goobjoogiyaal ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in weerarka uu yimid kadib markii mintidiin isku dhex-qarisay Gaari shacab ay rasaas huwiyeen ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo laga galo degmada.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo haweenay ah ayaa ku geeriyootay, iyadoo labo kale oo shacab ah sidoo kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo rasaasta labada dhinac haleeshay iyagoo goobta marayay.

Sida ay saraakiisha degmada Afgooye sheegeen, ciidamada dowladda ayaa iska caabiyay Al Shabaab, iyadoo aan wax khasaaro ah kasoo gaarin duulaanka gaadmada ah ee lagu soo qaadey saldhigooda.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer sidan oo kale u weerartay degmada, oo ku taalla meel istaraatiiji ah maadaama ay isku xirto Muqdisho iyo gobollada Koonfurta dalka, waana irida laha galo Caasimadda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in sababta ay degmada u noqotay goob u nuqul weerarada ay tahay in deegaanada ku hareeraysan ay gacanta ku hayso kooxda Al Shabaab, iyo ciidanka jooga oo ah kuwa aan lahayn awood badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM