Al shabaab oo weerar qorsheysan ku qaadey xero ku taal Koonfurta Somaliya

Image

 Ugu yaraan 10 Askari ayaa lagu diley weerar qorsheysan oo lagu qaadey saldhig ciidamada ee ku yaal Galbeedka magalaada Muqdishu. 

MUQDISHU- Dagaal-yahanada ururka Al shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhig ciidmada dowlada Somalia ku leeyihiin Koonfurta Galbeed Muqdishu, kaasoo lagu diley askar ka tirsan ciidamada iyo kooxdaan sidaas waxa u sheegey saxafada afhayeeno ka tirsan labada dhinac.

Weeraryahnadaan ayaa waxaa dagaalkaan ku bilaabey baabuur qarax ka buuxo oo lagu weerarey irida hore ee xeradaan subaxnimadii Isniinta 50 km u jirta  magalaada Muqdishu.

" Gaari uu ka buuxo qarax ayaa lagu soo dhuftey irida hore kadib waxaa  dagaal yahanada Al shabaab weerar xoog leh ku soo qaadeen xerada laanta buur ee ku taal goob 50 km u jirta magaalada Muqdisho" sidaas waxaa sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliya. 

Sarkaalkaan u hadlay ciidamada Somalida ayaa sheegey dhinaca kale kooxda al shabaab oo weerarkaan soo qaadey ka  dileen 12 qof. 

Afhayeen u hadlay ururka al shabaab ayaa sheegey dhinaciisa in weerarkaan ku dileen 30 ka tirsan askarta Somaliya islamrkaana xerada ka qaateen gawaari kuwa teknikada ah. 

Weerarka ayaa imaanaya xilli asbuucaan bilowgiisa al shabaab weerar ku qaadey saldhig Boolis oo ciidamada Kenya ku leeyihiin Degaanka Wajeer.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM