​Al Shabaab oo weerarkii Afraad ka gaysatay Qoryoolay

Image

QORYOOLEY, Somalia- Dagaalyahanno katirsan ururka Al Shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadey saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay GO in tiro hoobiyaal ah xalay lagu tuurey fariisinka AMISOM ee degmada, iyadoo duqeynta kadiba Iska-horimaad culus labada dhinac ku dhexmaray Qoryoolay.

Waxaa xigay madafiic ay ku jawaabeen ciidamada Midowga Afrika kuwaasoo ku dhacay gudaha magaalada iyagoo gaystay khasaarooyin kala duwan.

Waa weerarkii afaraad, oo Al shabaab ku qaado saldhiga AMISOM ee degmada Qoryooley, kaasoo waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah oo labadii sano ugu dambaysay xaaladoodu daganayd.

Wixii ka danbeeyay markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia la wareegeen Qoryooley 2014-kii, waxaa degamada kusoo kordhayay weerarada Al shabaab, oo ku sugan deegaanada ku dhaw.

AMISOM ayaa degan banaanka meel ka baxsan magaalada, gaar ahaan Buundada laga galo, iyadoo gudaha degmadana ay ku sugan yihiin Askar faro ku tiris ah, oo katirsan ciidamada dowladda Somalia.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda waqtigeedu dhammaaday ee ku sugan Xamar, iyadoo sidoo kale aysan ka hadlay dhinacyada is haya ee Al Shabaab iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM