Al Shabaab oo weerartay saldhiga ATMIS ee Ceel-Baraf

Image
Weerarka ayaa ku bilaawday gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa sida laga soo xigtay saraakiisha milatariga Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalyahano ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay waabarigii dagaal ku galay Saldhig Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Ku leeyahay Deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa sida ay xaqiijiyeen saraakiil amaan.

Weerarka ayaa ku bilaawday gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan gobolka Shabeellaha.

Dagaal toos ah ayaa xigay qaraxyadaan lagu beegsaday goobaha laga ilaaliyo xerada sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Dalka Burundi ayaa sheegay sheegay in ay weerarkaas iska caabiyeen.

Sarkaal ka tirsan milatariga ayaa u sheegay warsida GO in ugu yaraan afar askari oo ka mid ah ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku dhinteen weerarkan halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Sarkaal ma xaqiijin khasaaraha gaaray ciidanka midowga Afrika.

War kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in dagaalamayaal katirsan ay weerar ku qaadeen aroornimadii hore ee saakay xero Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in ay si buuxda u qabsatay Xerada oo muddo kooban dagaal kula jireen Ciidanka Midowga Afrika ee ku howlgala Magaca ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Burundi.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lagu sheegay Bayaanka Al-Shabaab in uu ka dhashay dagaalka balse lagu muujin tiro rasmi ah oo dhankooda iyo dhinaca Ciidanka Midowga Afrika ku gaaray Dagaalkaan.

Deegaanka Ceel Baraf waxa dhowr ka dhacay weeraro Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo Ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin deegankaas oo muhiim u ah isku socodka deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM