Al-Shabaab oo "weerartey" ciidamo Kenya iyo Itoobiyaaan ah

Image
Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerareen saldhig ay ciidamadda Kenya ee kamid ah ATMIS ay ku leeyihiin degaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa sidoo kale waxay wariyeen in ay beegsadeen xero ay ciidamadda Itoobiya ku leeyihiin degaanka Waajid ee gobolka Bakool.

Si lamid ah, warbixinta ayaa intaas ku dareysa in dagaalameyaasha hubeysan ay weerar noocaan ah ku ekeeyeen xero ciidan oo ku taala degaanka Caymiska ee duleedka Muqdisho.

Tafaasiisha ayaa intaas ku dareysa in kolanyo ciidan ay qarax miino kula eegteen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo tuuladda Daynuunay ayna halkaas ku dhaawacmeen laba askari.

Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinkan. Talisyadda xerooyinka la sheegay in ay Al-Shabaab weerartey ayaan dhankooda wali wax war ah kasoo saarin falalkan.

Weeraradan ayaa kusoo aadaya xilli Jubaland iyo Koonfur Galbeed ay muddooyinkii ugu dambeeyay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo loogu diyaar-garoobayey guluf ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka dhigay in diyaar-garowga ka socda goboladan uu yahay mid kaalin weyn ka qaadan doona dabar-goynta "Khawaariijta nabada u diidan Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM