Al-Shabaab oo xubno looga dilay "howlgal abaabulan"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa khamiistii ku dilay 7 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab howlgal ay ka fuliyeen magaalada Garbahaarey ee gobolka koonfurta Soomaaliya ee Gedo, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan dowlada Jimcihii.

Aadam Cabdi Xirsi, Taliyaha howlgalka ee Garbahaarey, ayaa sheegay in ciidanka ay heleen xog ku aadan joogitaanka maleeshiyaadka ee tuulooyinka dhaca hareeraha magaalada.

"Ciidankeennu waxay ku sii faafeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen xagjiriinta waxaan dilnay toddobo ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab intii uu socday iska horimaad adag oo aan la galnay xagjiriinta," ayuu yiri Xirsi.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamadda Soomaaliya, ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaan jirin illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa yimid iyadoo ay socdeen gulufyo isdaba joog ah oo ay ciidamada Soomaaliya ku beegsanayaan Al-Shabaabka ku sugan gobolada bartamaha iyo koonfurta halkaasoo ay maleeshiyada wali gacanta ku hayaan dhulka miyiga ah, iyagoo fulinaya weeraro gaadmo ah iyo miinooyin lagu aasay.

Khamiistii, taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa shaaciyey in uu duqeeyay xarun xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ku lahayd degmada Saakow ee gobolka Shabeellaha Hoose kana firxadeen maleyshiyaadkii ku sugnaa. Wuxuu xusay in aysan jirin waxyeelo rayid soo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM