​Al Shabaab "Waxaan fashilinay weerar lagu qaaday Toora-Toorow"

Image

MUQDISHU- Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay inay xalay fashiliyeen weerar ciidamo Maraykan ah kusoo qaadeen deegaanka Toora-Toorow ee degmada Qoryoolay gobolka Shabeellaha Hoose.

Shabaab ayaa xusay in weerarkaasi soo qaadeen ciidamo cadadkooda ku tilmaameen 10-askari watay diyaaradaha qummaatiga u kacay, waxayna intaasi raaciyeen inay dagaal kala hortageen ka hor intaysan deegaankaasi gaarin.

Xarakada ayaa guulo ka sheegatay iska hor-imaadkaasi, waxayna xuseen inay kala hareen saanad millateri ciidaamadaasina ku khasbeen inay dib ugu laabtaan fariisinkii ay ka yimaadeen.

Waxay xuseen in khasaaro u gaysteen ciidamadaasi, waloow aysan caddayn khasaarahaasi.

Sheegashada Al Shabaab majirto ilo madaxa banaan oo xaqiijinaya, ilaa haddana kama hadlin dowladda Somalia iyo Maraykanku, laakiin waxaa hubanti ah in muddooyinkii dambe weeraro culus qaadayeen ciidamada dalka USA iyo Kumaandoosta Somalia, kuwaasi oo lagu beegsaday fariisinno xarakadu ku leedahay Koonfurta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM