Al-Shabab oo weerartey saldhiga milatari ee Laanta Buur

Image

Wararka ka imanaya Gobiolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar culus xalay ku qaadeen saldhigga miltari ee ciidamada dawladda ay ku lahaayeen Laanta Buur.

Al-Shabab maleeshiyadooda ayaa wararku sheegayaan inay laba dhinac kasoo weerareen, khasaare culusna uu halkaas ka dhacay.

Ciidanka saldhigga joogay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Guutada Shanaad.

Wararka ay sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baabuur tikniko ah ay u gacan galeen Al-Shabab.

Al-Shabab ayaa la sheegay inay baabuurtaas la aadeen dhinaca magaalada Awdheegle. 

Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay hub iyo saanad kale ku qabsadeen weerarka; weli ma jirto cid dawladda ka tirsan oo ka hadashay dagaalka. Al-Shabab waxay kaloo sheegatay inay dishay toban askari laakiin si madaxbannaan looma xaqiijin sheegashadaas.

VOA

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM