Al-Shabaab oo isaga baxday deegaanka Camaara Koonfurta Mudug

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa gaaray deegaanka Camaara oo dhawaan la wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen deegaanka iyadoo uusan jirin wax dagaal ah oo dhexmaray iyaga dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ee Camaara ku sugnaa.

Al-Shabaab ayaa deegaanka isaga baxday ka hor intaysan imaan ciidamada Galmudug.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwaa maamulkaasi isaga baxeen degmada ka dib khilaaf soo dhexgalay iyaga iyo mas'uuliyiinta Galmudug.

Ciidankan oo la sheegay inay gadoodeen ayaa u baxay dhanka Galinsoor, waxaana wararku tilmaamayaan inay horey uga tirsanayeen maamulkii hore ee Galmudug

Waxgaradka deegaanka deegaanka ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii loo dhameeyn laha cabashada ciidanka.

Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug kama hadlin arrinta ku saabsan gadoodka ciidanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM