Al-shabaab oo nin dhallinyaro ahaa ku toogatey Galguduud

Image

March 21, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada Galhareeri ee gobolka Galguduud ku toogatey nin dhallinyaro ah.

Ninka oo lagu magacaabi jirey Cali Salaad Majin da'diisuna labaatan sano ahayd waxaa lagu soo eedeeyey inuu basaas u ahaa ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Goob fagaare ah ayey toogashadu ka dhacday, waxaana usoo daawasho tegey boqollaal dadweyne ah.

Qaadiga maxkamadda Al-shabaab ee xukunka riddey ayaa sheegay in ninkaas dil lagu xukumey maadaama uu qirtey dembiga lagu soo eedeeyey.

Qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab oo halkaas dadka kula hadlay ayaa uga digey inay la shaqeeyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Al-shabaab ayaa laga soo bilaabo bishii March ee sanadkii hore toogatey ku dhowaad labaatan qof oo badankooda lagu soo eedeeyey inay basaas ahaayeen. Dadka la diley waxaa sidoo kale ku jirey rag iyo dumar la sheegay inay gogol dhaaf sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM