Al-shabaab oo tobanaan qof duleedka Baydhabo ka afduubatey

Image

Januay 27, 2015 (GO)- Mileeshiyaad ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay tobanaan qof oo rayid ah ka afduubteen tuulada Goof-guduud oo hoos tagta degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Axmed Maxamed Aadan oo ah guddoomiyaha deegaanka Goof-guduud, ayaa sheegay in dadka la qafaashay oo isugu jirey xoolo dhaqato iyo beeraley tiradoodu gaareyso dhowr iyo afartan qof.

Wuxuuna intaas ku daray in dadkaas oo dhamaantood ah rayid aan waxba galabsan ay kaxeysteen mileeshiyaad ka tirsan al-Shabaab, iyagoo sii deyntoodana ku xirey madax furasho gaareysa 10,000,000 Sh. So  (toban milyan oo shilin ) una dhiganta $500.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha Goof-guduud wuxuu baaq u diray Dowlada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo codsaday in dib xoriyadooda loogu soo celiyo la-haysteyaasha.

Dhanka al-Shabaab weli kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan arintan.

Kooxda oo lumisey ilihii muhiimka ahaa ee dhaqaaluhu kasoo geli jirey, waxay si joogto ah lacag uga qaadaa dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda isugu jira ee ku sugan deegaanada ay weli ka arimiso.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey al-Shabaab ka saarey deegaano badan oo ay kuufurta Soomaaliya kaga sugneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM