Al-shabaab oo weerartey gaadiid sonkor u wadey Kenya

Image

June 1, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa weerartey kolonyo gaadiid ah oo gelinkii dambe ee shalay shixnad sonkor ah ka qaadey magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland kuna sii jeedey dalka Kenya.

Gaadiidkan oo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan militeriga Kenya, waxaa xilli ay marayeen duleedka Hoonsingo mid kamid ah lala beegsadey miino jidka dhinaciisa lagu aasay.

Gaariga miinadu la kacday ayaa gebi ahaanba burburay, waxaana intaas kaddib bilowday iska hor imaad muddo kooban socdey oo dhex maray mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Kenya.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaas, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya in ugu yaraan saddex qof dhinteen, tiro intaas ka badanna dhaawac soo gaarey.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya maalmo kaddib markii Al-shabaab weerartey konlonyo ka tirsan booliska Kenya oo marayey meel u dhow tuulada Yuumbis taasoo hoos tagta magaalo madaxda gabolka Waqooyi Bari Kenya ee Gaarisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM