Al-shabab oo weerartey kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM

Image

April 19, 2015 (GO)- Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa maanta lagu weeraray agagaarka deegaanka Yaaq Bariweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida wararku sheegayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa wadada u galay kolonyadan oo gaarayay ilaa shan gaari, waxaana halkaas ku dhex maray dagaalo muddo kooban socday.

Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya inay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo xoogan, isla markaana dagaalka uu ahaa mid aad u culus..

Al-Shabaab ayaa sheegataymas'uuliyadda weerarkan, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ku dishey shan askari oo ciidamada Brundi ka tirsan labo gaarina ay ku gubeen.

Dhanka AMISOM afhayeen u hadlay ayaa sheegay in weerarka saddex askari kaga dhinteen labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee wadada isku xirta Muqdisho ilaa Baydhabo, waxaana gawaari ka kala baxay Muqdisho iyo Baydhabo ay ku xaniban yihiin wadadaas, kuwaasoo aan wali isu gudbin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM