​Amaro la dul dhigay hay’adaha Caalamiga ah ee ku sugan Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaacisay inay canshuur ka qaadayso Shirkadaha Ajnabiga ee ka shaqaysta gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha ay ka howlgalaan 157 Shirkad iyo Hay’ado, kuwaasi oo aan wax canshuur ah bixin intii ay dalka joogeen.

Wuxuu xusay in 9 kamid ah 157-da Shirkadood ay bixiyaan canshuurta, balse kuwa kale ay ku baaqatey lacagta sanadahii lasoo dhaafay, wuxuuna balan-qaadey in ay bixin doonaan canshuurta mudadii ay ku sugnaanyeen Garoonka.

“Guddi canshuur qaadis ah ayay dowladda magacaabi doontaa, kuwaasi oo la macaamili doono Shirkadaha ajnabiga ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde, waxaana canshuurta laga soo billaabi doonaa markii ay yimaadeen dalka,” Ayuu yiri Yariisow.

Wasiirk ayaa ugu baaqey Shirkadaha inay u hogaansamaan Shuruucda dalka, islamarkaana ay ka qeyb-qaateen dib usoo celinta Somalia, iyagoo bixinaya dhaqaalaha ku waajibay ee dhanka canshuurta.

Shirkadahana ayaa ka faa’idaystey Xaaladda dalka oo aan laheyn hay’ado Canshuur-qaadis oo awood badan leh, waxaana ay ka heleen fowdada iyo kala dambeyn la’aanta Somalia dhaqaale iyo faa’idooyin badan.

Dowladda Federaalka waxaa kaloo ay ku wargelisay Shirkadaha ajbaniga ah ee la shaqeeya Hay’adaha caalamiga, iyo kuwa UN-ka inay is-diiwaangeliyaan kadibna ay bixiyaan dhamaan canshuurta ku waajibtay.

Waxaa sidoo kale laga dalbadey inay shaqaaleysiiyaan dadka  Soomaalida ah, oo ay joojiyaan ajnabiga ay dibadda kala imaanayaan ee lacagta badan qaata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM