​AMISOM iyo Shabaab oo ku dagaallamay Miir-tuugo

Image

JOWHAR, Somalia- Dagaal xoog leh ayaa saaka ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kooxda Al Shabaab deegaanka  Miir-tuugo ee gobolka Shabeellaha dhexe, sida ay GO u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Khasaaro kala duwan ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhasheen dagaalka islamarkaana uu jiro dhimasho iyo dhawac.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka goob joogayaal ah,dagaalka ayaa yimid kaddib markii mallayshiyaad katirsan Shabaab weerar ku qaadeen Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa Biyo Cadde iyo Miir-tuugo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia iyo saraakiisha AMISOM.

Kooxda Al Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkaas iyagoo ku qoray barahooda Internetka inay la wareegeen goobihii saaka lagu dagaallamay islaamrkaan ciidamada AMISOM u riixeen dhinaca deegaanka Miir-taqwo.

Dagaalkan ayaa qabsaday ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Africa.

Ciidamadan ayaa saldhig ku leh deegaanada Biyo cadde, Miir-tuugo iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM