AMISOM oo beenisay inay dad rayid ah ku dishey degmada Marka

Image

July 22, 2015 (GO)- Taliska ciidamada AMISOM ayaa beeniyay in shalay oo Talaado ahayd ay dad rayid ah ku laayeen magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed lagu daabacay mareegta rasmiga ah  ee AMISOM ayaa lagu sheegay in aysan jirin dad rayid ah  oo lagu laayey Marka, balse  abaare  8:45 subaxnimo ee shalay, ciidamo ka tirsan AMISOM howlgal muddo kooban socdey ka sameeyeen agagaarka Jujuumo ee xaafadda Calanley.

War-saxaafadeedka AMISOM waxaa sidoo kale ku xusan, in howlgalka lagu bartilmaameedsaday saldhig qarsoodi ah oo Alshabaab ku lahaayeen gudaha Marka, islamarkaana lagu dilay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab.

Xubnaha weerarkaas lagu dilay waxaa ka mid ahaa sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Maxamed Daahir.

"Is-rasaaseyn dhex martay ciidamada AMISOM iyo kooxda Al-shabaab waxaa lagu diley shan xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasoo uu kamid yahay hoggaamiye sare oo lagu magacaabi jirey Maxamed Daahir" war-saxaafadeedka AMISOM ayaa sidaas lagu yiri.

Ugu danbayntii,  Taliska AMISOM ayaa sheegay insan qorshaha ugu jiran waxyeelaynta dad rayid ah , maadaama ujeedada  ay  Soomaaliya u joogaan tahay mid nabadeed.

"Ciidamadeena waxaa waajib ku ah inay ka fogaadaan waxyeellada shacabka iyagoo intii tabartooda ah ka dheeraanaya wax dhibi kasoo gaari karto rayidka xataa hadii weerar kedis ahi qabsado. AMISOm waxay si kulul u cambaareynaysaa warka aan raadka lahayd ee ku saabsan in dad rayid ahaa lagu laayey magaalada Marka"

Shalay ayay ahayd markii ciidamada AMISOM  Todobo qof ku dileen tiro intaaas ka badanna ku dhaawaceen magaalada Marka. Dad goob joogayaal ah  ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay rayid ahaayeen.

GAROWEO ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM