AMISOM oo duqaysay Saldhigyo Al Shabaab leeyihiin

Image

MAHADAY, Somalia- Ciidamada AMISOM ayaa Duqeyn ka geysteen Tuulooyin ku dhow Degmada Mahadaay oo la sheegay in ay Isku aruursanaayeen Mallayshiyaad ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Dad Deegaanka ayaa GO u xaqiijiyay in AMISOM madaafiic ku garaacday dhowr deegaan oo ku dhaw degmada Mahadaay, kuwaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka aan ka helay Mahadaay ayaa xusaya in qaar katirsan xubnaha Al-shabaab ay ku dhaawacmeen weerarkaas, halka kuwa kale dib ugu noqdeen Goobihii ay markii hore ka yimaadeen.

AMISOM ayaa caddaysay in duqeyntu ahayd mid ay uga hortageen weeraro Kooxda Al shabaab damacsanaayeen inay ka gaystaan gobolka.

Waxay intaas ku dareen inay baarayaan Khasaaraha islamarkaana dib kasoo sheegi doonaan.

Dhanka kale, Dagaalyahanno katirsan Shabaab, ayaa la wareegay deegaan lagu magacaabo Sabuun, oo ku yaalla duleedka bari ee magaalada Jowhar, sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamtay in la wareegista Sabuun ay ahayd mid dhiig uu ku daatay, oo lagu dilay hal askari oo katirsanaa ciidamadii dowladda Somalia ee ku sugnaa deegaanka ay la wareegeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM