​AMISOM oo ka hadashay Askarteeda la xiray

Image

MUQDISHU- War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa looga hadlay dhacdadi Axaddii shalay lagu xeray shan kamid ah ciidamadooda ka howlga gala magalada Muqdishu.

Qoraalka ayaa lagu cadeeyay in howlgalka lagu soo qabtay ciidamadan ay la socdeen AMISOM islamarkaana wax ka fuliyeen ciidamdooda iyagoo sheegay inaysan u dul qaadan doonin in askar katirsan u dhaqmaan qaabkan oo kale.

“Amisom waxa ay horey u heshay akhbaar ku saabsan in askartan ay ku lug lahaayeen dhaqdhaqaaqyo sharci darro, baaritaan deg deg ah ayay ku sameysay arrintan, waxayna ayada oo kaashaneysa booliiska Soomaaliya ay si deg deg ah u xireen askartan,” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay.

Waxa sidoo kale sheegeen inaysan raali ka ahayn in qaab tuugaysi ah loo gado agabka loogu talo galay in lagu xasiliyo Soomaaliya.

Howlgalka ayaa dhacay xilli shalay koox katirsan AMISOM iyo dadka shacab ah kala iibsanayeen agab isugu jiray Shidaal, Jawaanno iyo sannadiiqda Rasaasta, kuwaasi oo lagu iibinayay nawaaxiga wakaaladdii hore ee Biyaha Soomaaliya.

Balse, sheegashada AMISOM ee ah inay qayb ka ahaayeen howlgalka ayaa meesha ka saaraya qoraal ay shalay ku baahiyeen bartooda Twitterka taasi oo ahayd inaysan ka warhayn xarigga askartooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM