AMISOM oo lala xiriiriyey rayid "lagu laayey" Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka AMISOM gaar ahaan qeybta Uganda ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu eedeeyay in Talaadada maanta ah ay hal meel ku dileen todoba shacab oo uu ku jiro oday waayeel ah.

Dhacdadan ayaa, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta, waxay ka dhacdey inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn kadib markii kolanyada ay weerar jidgal ah kala kulmeen maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Gudoomiyaha degaanka Shalambood ee gobolkaas, Nuur Cusmaan Raage oo fahfaahiyey dhacdadan, ayaa tibaaxay in dilka shacabkan loo adeegsaday miino lagu fadhiisiyey "ayaga oo ka xiran indhaha iyo gacmaha".

"Iyadoo xabado la isku ridaayo haddii dadka ay dhintaan, qofba meel ayuu ku dhimanayaa. Dadkaan waa dad la soo uruuriyay oo gacmaha iyo indhaha laga xiray ka dibna la laayay waayo", ayuu gudoomiye Raage tibaaxay.

Dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay cadaalad u raadiyaan dadkaas "ay laayeen ciidamadda AMISOM ee dalkan loo keenay in ay nabadda ka qeyb-qaataan".

Mr Raage oo xusay in shacabka "la xasuuqay" ay isugu jiraan qaar lagala soo baxay beer iyo kuwa lagala degay baabuur ay la socdeen ayaa ku nuux-nuux-saday in ay shacab ahaayeen meeshana ka saarey in ay Shabaab yihiin.

"Anaga waan kala hadalnay in ay joojiyaan dadka ay sida ola kaca ah u dilayaan. Ciidamada AMISOM ee ku sugan degaanka aan ka taliyo marna ma dhicin in ay si bareer ah u dilaan rayid," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Taliska AMISOM ayaan wali wax war ah kasoo saarin eedeyntan uga timid mas'uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed wali kama hadlin dhacdadan.

Cilaaqaadka taliska ciidamada Soomaaliya iyo kan AMISOM ayaanan wanaagsaneyn bilooyinkii lasoo dhaafay. Howlgalkan hoostaga Midowga Afrika wuxuu wajahayaan hubanti la'aan ku saabsan joogitaankiisa gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM