​AMISOM oo magdhow ka bixinaysa dhibaatada ka timaada howlgalkooda

Image

MUQDUSHU, Somalia- Howlgalka Midowga Africa ee Somalia (AMISOM) ayaa shaaciysay inay magdhow bixinayaan khasaaraha shacabka Somaliyeed kasoo gaarey Howlgalka ciidamadoodu sameeyeen.

Jide Okeke, oo ah mas'uul katirsan Midowga Africa, ayaa sheegay in mag-dhaw bixinta ay xoojinayso xariirka u dhaxeey ciidamada AMISOM iyo Dadka Shacabka ah ee ku noo Goobaha howlgalka kawadaan.

"Tallaabadan aan ku bixinayno Mag-dhawga waa qeyb kamid ah dadaalkeena aan ku doonayno inaanku kasbano qalbiga Bulshada Soomaaliyeed, si aan uga adkaano Al Shabaab," Ayuu yiri Jide Okeke.

Kulan ay Muqdushu ku yeesheen Saraakiisha AMISOM qaybaheeda kala duwan ayay ku soo saareen go'aanka Mag-dhawga lagu siinayo dadka dhibaatada kasoo gaartay Howlgallada, waxaana loo gudbiyay Codsi Midowga Africa si uu usoo ansixiyo Todobaadyada soo socdo.

Waa Tallaabadii ugu horeysay oo gudaha Qaarada Africa, shacab mag-dhaw laga siinayo khasaaraha kasoo gaara ciidamada howlgalka Midowga Africa dalalka Somalia kamid tahay.

AMISOM waxay sheegtay inay baaritaano dhab ah ku samaynayso dadka dhibaatada ay gaarsiiyeen ciidamadooda, islamarkaana dadkaasi ay siin doonaan mag-dhaw lacageed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM