AMISOM oo qiratay inay Lix qof oo Shacab ah ku dishay duleedka Qoryooley
MUQDISHU, Somalia- Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa qiray in ay Lix ruux oo shacab ah ciidamadoodu ku dileen weerar habeenkii Sabtida ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose.
AMISOM ayaa sheegtay in Dilka Shacabka uu dhacay markii Darawalka Gaariga uu ka dhego-adeegay amar lagu siiyay inuu joojiyo xilli uu ku dhawaaday Barkoontrool oo ku taalla deegaanka xero 2-aad.
War Saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidanka Midowga Africa ay toogteen Gaariga kadib markii ay uga shakiyeen inay la socdeen dagaalyahanno katirsan Kooxda Al shabaab.
AMISOM waxay kaloo tilmaamtay in uu jiro heshiis iyaga iyo maamulka degmada Qoryooley ku gaareen oo ah in Baabuurta aysan socon karin Salaadda Maqribka kadib, si looga hortago weerarada kooxda Al Shabaab.
"Weerarada joogtada ah ee Al shabaab kusoo qaadaan Qoryooley ee lagu dilo Shacabka iyo Askarta ayay AMISOM Barkoontarool uga samaysatay duleedyada degmadaasi, waxaana la joojiyay isku socodka Gaadiidka xilliga habeenkii," Ayaa lagu yiri Warka AMISOM.
6 ruux oo Shacabka ayaa ku dhimatay Gaariga HOMY-da ah oo Madfac kayimid AMISOM uu ku dhacay, waxaana dadkaasi ay noqdeen kuwa la kala garan waayay, kadib markii ay aad u gubteen.
Sawirro laga soo qaaday weerarkaas ayaa muujinayay dhowr qof oo jirkoodu madoobaaday islaamrkaana aan la aqoonsan karin, waxaana arrintaas aad uga xumaaday bulshada deegaankaasi ku nool.
Dadka ay AMISOM dishay ayaa waxay ahaayeen Ganacsato Qudaar u waday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyagoo ka tagay deegaan lagu macaabo Farsaano, oo 5KM u jiro Qoryooley.
Isla Maqribkaasi AMISOM, waxay dileen Hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay deegaan lagu magacaabo Buufow oo ku dhaw magaalada Marka, kadib markii baabuur ay la socdeen Qarax miino lala eegtay.
Sidoo kale, todobaadkii tagey, Gaari AMISOM ayaa Hooyo Soomaaliyeed ku jiiray Isgoyska KM-4 ee Muqdishu.
Ciidamada Africa ee ku howlgala magaca AMISOM, ayaa tan iyo markii ay soo galeen dalka Somalia 2007, waxay gaysteen gabood fallo kala duwan oo isugu jira; Dilal iyo kufsi.
Majirto wax tallaabo ah oo dowladda Somalia, arrimaahasi ka qaado marka laga yimaado ballanqaadyo isugu jira magdhow iyo Cambaarayn.
GAROWEONLINE