​AMISOM oo Shabaab ku dishay Shabeellaha hoose

Image

BARIIRE, Somalia- War kasoo baxay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Somalia,  ayaa lagu sheegay inay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 12 katirsanaa Kooxda Al Shabaab oo ay ku jiraan hor-joogayaal sar-sare.

Ciidamada AMISOM ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Malleeshiyaad katirsan Al Shabaab xilli ay kasoo baxeen duleedka Lambar-konton, kuna sii jeeday Deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah, oo AMISOM soo dhigtay Boggeeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay Hub badan uga qabsadeen Al Shabaab weerarka ka dhacay inta u dhaxaysa Lambar-Konton iyo Deegaandaka Bariire.

AMISOM, ayaa intaas ku dartay in dagaalkaas lagu jabiyay Shabaab islamarkaana ay galeen deegaanka kale, halkaas oo ay ku qur-gooyeen labo qof oo shacab ah.

Kooxda Al Shabaab, ayaa wali ku sugan gobollo kamid ah dalka Somalia ee dhaca Koonfurta, waxaana inta badan dagaallo dhexmaraan ciidamada AMISOM iyo mallayshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida.

Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa kamid ah meelaha ay aadka uga gaystaan weerada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwada Midowga Africa.

Dalka Somalia, ayaa hadda galaya marxalad kala guur ah, waxaa la filayaa in dhawaan ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo oo qorshuhu yahay inay dhacdo sannadkan dabayaaqadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM