AMISOM oo Suldaan ku dishay Shabeelada Hoose

Image

15 Octobar, 2015(GO)-Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Somalia ayaa deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelada Hoose ku dilay Suldaan caan ka ahaa deegaanka iyagoo dhaawacay labo ruux oo shacab ah.

Lama oga sababta loo dilay Suldaanka oo lagu magacaabi jiray Fiidow Sheekh Maxamed.

Ugaas Cabdulqaadir Ugaas Xuseen oo kamid ahaa waxgaradka ku nool deegaankaasi ayaa ku eedeeyey ciidamada AMISOM iney si gardaro ah u dileen Suldaanka, wuxuuna dowlada Somalia ka dalbaday inay wax ka qabato falkaasi.

Maaha markii ugu horaysay oo ciidamada AMISOM shacab ku dilaan gobolka, dhawaan ayayna ahayd markii degmada Marka lagu dilay dad rayid ah.

Falalka xadgudubyada ah ee AMISOM ka gaysato Somalia ayaa noqday mid ku kooban Cambaarayn iyo in la baarayo balse aysan wax muuqda oo laga qaban xukuumadda Somalia oo wakiil ka ah shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM