AMISOM oo walaac ka muujisay war kasoo baxay Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa walaac ka muujiyay go'aanka Mareykanka ee ah inuu dhimayo Ciidamada ka jooga dalka, xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarada.

Taliyaha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya, ahna taliyaha joogtada ah ee AMISOM, Paul Lokech, ayaa ka digay in Mareykanka uu Ciidamadiisa la baxo, isagoo xusay in dhabar-jab ku noqon doonto howlgalka hadii hal dhinac uu faarujiyo kaalintiisa.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dhamaan dalalka hadda qeybta ka ah howlgalka ay yihiin kuwa door fir-fircoon ku leh dadaalabada nabadda soo celinta xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana hadii mid kamid ah uu baxo aanan la helayn cid buuxisa.

"[Dal] walba oo howlgalka qeyb ka ah, wuxuu leeyahay door muhiim ah. Hadii [Dal] uu faarujiyo booskiisa, lama helayo cid buuxisa booskaas," ayuu Paul Lokech, usheegay Wargeys kasoo baxa Mareykanka.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] oo dalka yimid sanadkii 2007-dii, ayaa wajahaya dhaleeceyn xoog leh, oo ku saabsan inaysan gaarin yoolkii iyo hadafkii dalka loo keenay ee ahaa in Al-Shabaab dalka laga xureeyo.

Tirada Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay 22,000 oo Askari ayaa waxaa la qorsheynayaa inay dalka ka baxaan 2020-ka, iyagoo mas'uuliyadda amaanka goobaha ay hadda gacanta ku hayaan ku wareejinaya Ciidamada Soomaaliya.

Deeq-bixiyaha ugu badan ee lacagta siiya AMISOM waa Midowga Yurub, oo hadda wada dib u eegis uu ku sameynayo taageerada uu siiyo howlgalka lamana saadaalin doono go'aanka ay qaadan doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM