AMISOM oo Wiilal wallaalo ah ku dishay gobolka Shabeella hoose

Image

BARAAWE, Somalia - Ciidamada AMISOM ayaa Labo Dhalinyaro Xoolo-dhaqato ah, oo ilmo abti ahaa waxay shaly gelinkii dambe ku dileen deegaan kuyaallo duleedka magaalada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Labada Wiil ee ay dileen AMISOM ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Xasan Burad oo 17 jir ah  iyo Cabdi Xasan Baryare oo isna 15 jir ah, sida mid kamid ah Elahada ay Warbaahinta u xaqiijiyeen. 

Sheekh Nuur Maxa'ed, oo adeerka u ah C/raxmaan Xasan Burad  iyo Cabdi Xasan Baryare ayaa sheegay in AMISOM ay ku dileen Labada Wiil Ceel-biyooda ku yaallo deegaanka Wareer-malle, xilli ay Geel ku waraabinayeen. 

Wuxuu sheegay Sheekh Nuur Maxa'ed in ciidamada AMISOM ay si arxan-darro ah u dileen Wiilasha kadibna ay Meydadkooda jarjareen, ay saareen kadib geed meesha ku yaalla. 

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale goobta ku dilay 70 Neef oo Geel ah, oo Wiilasha ay la socdeen, sida uu sheegay Sheekh Nuur Maxa'ed.

"Wax ay galabsadeen ma jirin C/raxmaan Xasan Burad iyo Cabdi Xasan Baryare, waxay ahaayeen Labo Wiil oo Xoolahooda ku waraabinaysay deegaanka Wareer-malle, waxaa u tagey oo dilay AMISOM," ayuu yiri Sheekh Nuur Maxa'ed. 

Ciidamada AMISOM ee dilka geestay ayaa la socday Kolonyada Gaadiid ah, oo ka tagey Muqdishu, kuna sii jeeday magaalada Baraawe, waxaana wararku ay sheegayaan in goobta ay Wiilasha ku dileen qarax lagula eegtay. 

AMISOM wali wax war ah kama aysan soo saarin Dilka Labada dhalinyarada ah, balse waxay dhacdadaasi ay daba socotaa dhacdo kale oo AMISOM ay 6 Ruux oo shacab ah ku dileen 17-kii Bishii December duleedka degmada Qoryooley.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM