Amniga doorashada kuraasta Somaliland oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Kulankan uu guddoomiyey Rooble ayaa imaanaya xilli lagu waddo in coddeynta ay dhowaan qabsoonto.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Axada maanta ah wuxuu la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Soomaaliya, kulanka ayaa kala hadlay fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

Dhanka kale, Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Geesta kale, Rooble oo dhamaan kulamadan ku martigeliyey xafiiskiisa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa, sida ku xusan bayaan uu xafiiskiisa ku faafiyey ciwaanka gaarka ah ee Facebook-ga, guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM