Amniga doorashada kuraasta Somaliland oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Kulankan uu guddoomiyey Rooble ayaa imaanaya xilli lagu waddo in coddeynta ay dhowaan qabsoonto.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Axada maanta ah wuxuu la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Soomaaliya, kulanka ayaa kala hadlay fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

Dhanka kale, Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Geesta kale, Rooble oo dhamaan kulamadan ku martigeliyey xafiiskiisa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa, sida ku xusan bayaan uu xafiiskiisa ku faafiyey ciwaanka gaarka ah ee Facebook-ga, guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM