Amniga doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo laga shiray

Image
Image
Doorashadan ayaan wali la muddeyn. Balse, waxay u badan tahay in ay jadwaleeyaan madaxda golaha wadatashiga qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Sabtida maanta ah wuxuu guddoomiyey kulan looga hadlayay u diyaar garowga amniga doorashada Golaha Shacabka.

Rooble ayaa shirkan  la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, AMISOM iyo Booliska UN-ka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada," ayuu yiri xafiiska wasiirka koowaad ee dalka.

Dhanka kale, Rooble ayaa isla maanta wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).

Sida laga soo xigtey bayaan uu faafiyey xafiiskiisa, is-aragan ayaa waxay uga wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii  ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii  wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas," ayaa la raaciyey warka qoraalka.

Doorashadan ayaan wali la muddeyn. Balse, waxay u badan tahay in ay jadwaleeyaan madaxda golaha wadatashiga qaranka. Warar soo baxaya waxay xusayaan in ay dhowaan yeelan doonan kulan ay u dhan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM