Amniga doorashadda Soomaaliya oo laga shiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha iyo saraakiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.

Kulanka ayaa imaanaya xili booliska Maanta ku dhawaaqay in Muqdisho lagu soo rogay Bandow 33 saacadood soconaya, oo ka billaabanaya Caawa 9PM, islamarkaana ku eg subaxa Isniinta, 6AM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM