Aqalka Cad oo ku dhawaaqay go'aan ka dhan qaxootiga Soomaalida ah

Image

WASHINGTON, US – Soomaalida rajeyneysa in ay waddanka Mareykanka ku galaan qaxooti ahaan lama aqbali doono dalabkooda hadii aysan haysan cudurdaar bini'aadanimo oo gaar ah, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.

War-saxaafadeedkan uu ku saxiixan yahay madaxweyne Donald Trump ayaa Soomaaliya ku daray "meelaha ay ku xoogan yihiin ururada argagixisada".

Go'aankan oo soo baxay Arbacada todobaadkii lasoo dhaafay ayaa daba socday talaabo uu Donald Trump hoos ugu dhimay qaxootiga galeysa Ameerika.

Sidda ku cad bayaanka, sanadka soo aadan waxaa kaliya Mareykanka loo ogolaan doonaa in ay galaan 15-kun kuwaasoo afar kun oo kamid ah ay ka imaan doonan Ciraaq; kun kalana laga rajeynayo El Salvador, Guatemala ama Honduras.

Tirada uu Trump ku dhawaaqay ayaa noqoneysa heerkii ugu hooseyay tan iyo 1980. Madaxweynihii ka horeeyay, Barack Obama, wuxuu 2018-kii ogolaadey 85-kun; halka sanadkii 2017-kii aqbalay in ka badan 53-kun oo soogaloogi ah.

"Shaqsiyaadka ka imaanaya halista ugu jira ama ay maamulaan argagixisada sidda Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen laguma ogolaan doono qaxooti ahaa, marka laga reebo qaarka la yimaada cabasho bini'aadanimo oo gaar ah," ayaa la raaciyey.

Tan iyo markii uu qabtay xilka ugu sareeya Mareykanka afar sano kahor, Trump oo dib-u-doorashada u ordaya ayaa bedelay siyaasada socdaalka Mareykanka, isagoo beegsaday wadamada dadkooda Muslimiinta yihiin oo Soomaaliya ay ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM