Aqalka Cad oo qiray in hub "tiro badan" uu u gacan-galay Taliban

Image
Mareykanka ayaa ka qoomameynaya in falaagadda hubeysan ay heshay agab milatari oo ku fadhiya malaayiinka doolar.

WASHINGTON, USA - Aqalka Cad ayaa Talaadada maanta ah wuxuu xaqiijiyey in Taliban ay gacanta ku dhigtay agab milatari badan oo Mareykanka ku taakuleeyay dowladda dhacdey ee Afghanistan.

Taliban ayaa dib ugu soo laabatay xukunka Afghanistan kadib laba qarni oo ay la dagaalameen ciidamadda Ameerikaanka oo waddankaas ku duulay 2001-dii si ay u ciribtiraan raadadka Al-Qaacida.

Sawirro iyo muuqaal ayaa muujiyey dagaalameyaasha Taliban oo haysta qoryaha ay waaxda difaaca Mareykanka siisay ciidamada qaranka Afghanistan iyo kuwa ay Ameerikaanku adeegsadaan.

Sidoo kale, muuqaalada waxaa qeyb ka ahaa dagaalameyaasa Taliban oo isticmaalaya diyaaradaha casriga ah ee dagaalka iyo agab kale oo ay kaga dageen garoonka diyaaradaha Kandahar.

"Ma hayno sawir dhammaystiran, sida iska cad, maqaal kasta oo laga qoray agabka milatarigu wuu caddeynayaan. Balse, waxaa hubaal ah in tirro badan oo cadaalad ah ay u gacan-gashay Taliban," ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Aqalka Cad Jake Sullivan. "Sida iska cad, uma maleynayno in ay dib noogu soo celin doonan".

Wuxuu intaas ku daray: "In cadow uu kaa qaato agab milatari oo malaayiin doolar ku fadhiya waa wax ku adag madaxwayne marka laga hadlayo soo afjarida dagaal socdey muddo labaatan [20] sano ah".

Diyaaradaha casriga ah ee dagaalka ayuu ku nuux-nuux-sadey in loo siiyey ciidamadda ammaanka qaranka Afghanistan si ay ula dagaalamaan Taliban oo la rumeysan in ay barataarto dowlada Iran.

Ciidamadda Afghanistan ayaa si deg-deg ah u burburay waxaana ay falaagada u baneeyeen bakhaaro ay ka buuxaan hub badan iyo diyaarad casri ah oo kuwa dagaalka ah si gaar ah nooca helicopters-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM