​Aqalka Sare oo ansixiyay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta oo Isniin ah si aqlabiyad leh u ansixiyay Sharciga Isgaarsiinta dalka, kaasi oo kasoo gudbay Aqalka hoose 9-kii bishan August.

Kulanka maanta oo uu shir gudoomiyay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shaaciyay in 39 kamid ah 40 Senator oo soo xaadirey fadhiga ay meel-mariyeen Sharciga Isgaarsiinta.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojoyadda dalka, Eng Cabdi Canshuur Xasan, oo ka qeybgalay Kulanka, ayaa uga mahadceliyay Mudaniyaasha Aqalka Sare, meel-marinta Xeerkanka cusub.

"Somalia waa dalka kaliye ee aan laheyn Sharci Isgaarsiin, waa Illaah madahiisa, mar haddii maanta ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamanka, waana uga mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb-qaadatey inuu halkan soo gaaro," ayuu yiri Wasiirka.

Sharcigan oo mudo dheer qabyo ahaa, ayaa noqon doono dhaqan-gal marka uu saxiixo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, maadaama uu kasoo gudbiyay Labada Golle ee Barlamanka Federaalka.

Waa Sharcigii ugu horeeyay oo la horgeeyo Aqalka Sare, islamarkaana ay ansixiyaan.

Sharciga Isgaarsiinta Qaranka waxa uu horyaallay mudo 11 sano Barlamanadii 7aad, 8aad, iyo 9aad, waxaana uu noqday midkii ugu mudada dheeraa oo loo sameeyo Somalia, iyadoo uu soo maray heerar kala duwan.

"Sharcigan wuxu kobcinayaa dhaqaalaha dowladda, waxaana uu siinayaa shacabka furso ay uga baxaan dhibaatooyin badan, oo mid bulsho, mid amni iyo mid dhaqaalo isagu jiray," ayuu yiri Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Sharciga Isgaarsiinta Qaranka waxaa durbaba ka hor-yimid Somaliland, oo ku sheegtay mid kuu xadgudbaya Isgaarsiinteeda, maadaama dowladda dhexe la waraagayso Furaha dalka ee (+252).

Dhanka kale, Xubno katirsan Aqalka sare ayaa gudoonka u gudbiyay mooshin u yeerid ah, oo loogu yaarayo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo su'aallo ka waydiin doono Khilaafka Siyaasadeed, ee ka taagan HirShabelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM