Aqalka Sare oo maalintii 2aad ka doodaya Go'aanka DP World [Is-mariwaa taagan]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maalintii labaad ka doodaya go'aankii Gollaha ay ku dalbadey in dalka laga mamnuuco Shirkadda DP World, ee laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku kala aragti duwanaaday waxa laga yeelayo qaraarka Gollaha Shacabka, oo qaar kamid ah Senetarada soo jeediyeen in Kiiskan dib loo dhigo go'aan ka gaaristiisa, halka kuwa kalena ay soo jeediyeen in la meel-mariyo.

Aqalka Sare oo wakiil ka ah dowlad goboleedyada, ayaa shalay waqti dheer ka dooday Kiiskan, iyadoo markii la isku khilaafay maalin kale lagu daray dooda, oo la filayo in maanta go'aan kama damabays ah ay isku raacaan Senetarada.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan kuwa Heshiiska kula jira DP World aysan raali ka ahayn in la meel-mariyo go'aanka Gollaha Shacabka, iyadoo taasi suurta-gal tahay in qaraarkan dib u celiyo Aqalka Sare.

Aqalka Sare mar hadii uu qaraarkan ka gudbo waxay uu gacanta u galayaa Madaxweyne Farmaajo oo saxiixiisa ugu dambeyn ku dhaqan-galayo, iyadoo lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Xafiiskiisa.

Hadii ay dhacdo in Aqalka Sare dib u celiyo go'aanka, waxay dadka darsan Siyaasadda leeyihiin waxay taasi keenaysa Khilaaf cusub oo u dhaxeeya Labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo haddii Xildhibaanada Gollsha Shacabka isku hayaan Mooshinka Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in markii la meel-mariyo go'aanka DP World dalka looga mamnuucayo inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qadar, oo colaad xooggan kala dhaxaysa Imaaraadka Carabta, oo saameyn dhanka maal-gashiga ku leh dalka.

Hoos ka Daawo Doodii shalay ee Aqalka Sare:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM