Aqalka Sare oo la kulmey Gud. Barlamanada Maamullada dalka

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kula kulmay magaalada Muqdishu Gudoonada Barlamanada Maamul Goboleedyada dalka.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Kulanka uu ahaa mid Isbarasho iyo Is-Xog-wareysi ah, ayaa diirada lagu saarey arrimo dhowr ah oo ku qotoma in labada dhinac uu dhex-maro wada-shaqeyn wanaagsan.

Kulankan oo ahaa midkii ugu horeeyay ayaa ka dhacay Xarunta Aqalka Sare ee Muqdishu.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Gudoomiyaasha Barlamanada dowlad Goboleedyada markii ugu horeysay, isagoo aan safar galin, oo ugu tagin Xaruumahooda.

Aqalka Sare ayaa ka dalbadey Gudoonada Barlamanada maamullada inay usoo gudbiyaan Xog dhab ah, oo la xiriirta caqabadaha hortaagan, si dowladda dhexe ay wax uga qabto baahiyahooda gaarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 01:05PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM