Aragtida doorashada 2016 oo kala duwan Kismayo iyo Cadaado

Image

17 November, 2015(GO)-Dalka Somalia sannadka dambe waxaa ka dhici doonta sida la qorsheeyay doorasho aan ahayn hal cod iyo qof, waxaana socoda dadaalo lagu doonayo qaabkii loo heli aragtida shacabka ee doorashadaasi.

Magalooyinka waaweyn ee Somalia, sida Kismayo, Muqdishu, Cadaado, Garowe, Qardho iyo Bosaso, waxaa shalay ka fumray shirar loo qaybtay Ergooyin la soo xulay, kuwaasi oo la weydiinayay nidaamka ugu haboon ee la qaato si dalka Somalia 2016 doorasho uga dhacdo.

Aragtida shacabka oo la siiyay labo maalin ayaa waxaa soo baxay fikirada shacabka ku nool maamullada Jubbaland iyo Galmudug, ka dib markii la soo xiray kulamada arrimahaasi looga hadlayay.

Ergada shirka loogu qabtay magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay doorashada in lagu saleeyo nidaamka degmooyinka lagu soo xulo Xildhibaanada, halka Ergada Cadaado ku shirtay sheegeen inay doonayaan habka qabaliga ah 4.5 oo looga gudbay shirar ka dhacay Garowe.

Aragtida shacabka shirka loogu qabtay magalooyinka Puntland ayaa weli la shaacin, waxaana madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole oo ka hor intaan la xirin shirka saxaafadda la hadlay, ayaa tilmaamay in shacabku qaataan habka degmooyinka.

Waxaa xaqiiqo ah in shirarkan ka maqnayn faragalinta dowladda dhexe ee Somalia, taasi oo doonaysa in dalka doorashadiisa laga dhigo nidaam soo celin kara madaxda haatan dalka Joogta.

Ergooyinka matalaya Shacabka ee shirarka loo qabtay ayaa la siin xog ku aadan waxa laga hadlayo iyo xaqiiqada ka dambaysa, halka kuwa kale siyaasiyiin dano lihi wataan in lagu noqdo hab aan dastuurka dalka Somalia ku dhignayn oo ah 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM