"Arday" ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Image
Bartilmaameedka weerarka ayaa lagu waramay in uu ahaa gaari ciidan oo jidka marayay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Fahaahin horudhac waxay muujineysaa in miinadda lala eegtay gaari ciidan oo jidka marayey. Dad shacab oo jidka marayay ayaa kamid ah kuwa waxyeelada soo gaartey.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe oo la hadlay wakaalada wararka qaranka ee SONNA ayaa xaqiijiyey qaraxa balse wuxuu tibaaxay in waxyeelada ugu badan soo gaartey rayid.

Sida laga soo xigtey Doodishe, miinadda oo nooceedu ahaa kuwa meelaha fog looga hago remote-ka ayaa la kacdey gaari nooca raaxadda ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

"Illaa haatan, waxaa nasiib darro nasoo gaartey dhimashadda laba arday ah iyo dhaawaca shan kale oo shacab ah oo wadada marayay," ayuu hoosta ka xariiqay afhayeenka.

Warbixino kale oo aan wali la xaqiijin waxay tibaaxayaan in labada qof ee dhimatay ay yihiin caruur yar-yar oo hooyadood ay adeeg u soo dirtey balse la kulmay "qaraxan foosha xun".

Falkan oo aysan jirin koox dusha saaratay mas'uuliyadiisa ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa xilli digniino amni oo u badan qaraxyo iyo weeraro toos ah jiraan kana dhici kara caasimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM