Arday Soomaali ah laga soo sii daayey dalka Ukraine

Image
Ardayda Soomaalida ayaa isugu jiray kuwo baranayay heerarka jaamacadda ee 1-aad, 2-aad iyo PhD.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniinti shalay aheyd sheegtay in lasii daayay ilaa 348 arday oo Soomaali ah kuwaas oo ku go’doonsanaa dalka Ukraine.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ardaydan ay barakac ku ahaayeen gudaha Ukraine iyo xuduudahiisa, iyadoo ay ku jireen qaar aanan heysan warqadaha aqoonsiga.

Wasaaradda waxa ay sidoo kale sheegtay iney fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii Wasaaradda ay diiwaan galisay kuliyadaha ay danaynayeen, ayagoo halkaas kasii wadan doonaan waxbarashadooda heerka sare.

Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrisay ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine ay iska diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foom ay u soo dirtay wasaarada oo bogogeeda laga heli karo.

Jaamacadaha dalka ay colaaduhu ka socdaan ee Ukraine ayaa waxaa wax ku baranayay boqollaal arday Soomaali ah, kuwaas oo hadda u qaxay dalalka deriska ah ee Yurub.

Ardayda Soomaalida ayaa isugu jiray kuwo baranayay heerarka jaamacadda ee 1-aad, 2-aad iyo PhD.

Dalka Ukraine ayaa ku jira xaalad dagaal kaddib marki uu dhamaadki bishi Febraayo uu duullaan millatari ku qaaday waddanka deriska la ah ee Ruushka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Ukraine ay ku dhinteen in ka badan 2,500 oo rayid ah iyo kumanaan ka mid ah dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM