​Ardayda Puntland ee ku sugan Pakistan oo ka cabanaya Safiirka Safaaradda Somalia [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Ardayda Puntland ee ku sugan Waddanka Pakistan ayaa ka cabanaya Safiirka Safaaradda Somalia ee dalkaas Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi.

Qaar kamid ah Ardayda waddankaas u joogta waxbarashada oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay inay la kulmaan Xarig, Hanjabaad iyo Haybsooc.

Mid kamid ah Ardayda oo lagu magacaabo Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay inay soo wajahdsay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

Xuseen oo ku sugan Magaalada Islamabad, ayaa tilmaamay in lagusoo rogay lacago dheeri ah iyo daahinta fiisayaasha dalkaas, taasoo uu xusay inay ka simanyihiin Ardayda Somalia, halka kuwa Puntland u dheertahay haybsoon ku aadan in il gooni ah lagu eego.

Wuxuu sheegay inay dhowr jeer u tageen safiir Almakhzoumi, balse jawaabtu noqotay in la xiro wakiilkii ay dirsadeen.

Ardaygan ayaa intaas ku daray in cabashadooda u gudbiyeen dowladda Pakistan, balse lagu wargaliyay  in dhibaatadan wax ka qabato dowladda Somalia.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu cadeeyay inay qoraalo u direen Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaaraha isagoo ka codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Lama oga sababta arrintaan loogu cadaadinayo Ardayda Somaliyeed xilli la sheegay in waxyaabo badan oo lacag la’aan lagu siin jiray Cilmi doonayaasha Somalid lacag la’aan iminka laga dhigay khidmad taasoo xitaa mararka qaar qaata helisteedu waqti dheer.

Dadka Somaliyeed ee waddankaas jooga ayaa u badan Arday wax ka barta jaamacadaha Pakistan.

Almakhzoumi, ayaa horay u ahayd Safiirkii u joogay Somalia waddanka Ciraaq, balse muddo ka hor ayaa loo wareejiyay Pakistan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM