Askar bililiqeystay Saldhigii Imaaraadka ee Muqdisho oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidanka Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa waxay xukuno kala duwan ay ku riday 15 qof oo ay kamid yihiin Askar, Saraakiil xigeeno oo lagu soo eedeeyay dhac loo geystay Saldhiga Janaraal Gordan.

Saldhigaan oo uu baneeyay Imaaraadka bishii April ee sanadkan 2018, kadib markii uu xumaaday xiriirka Muqdisho iyo Abu Dubai, ayaa waxaa la sheegay in lagala baxay Qoryo iyo Agab ciidan, kuwaasoo ku jiray Bakhaarka keydka ee Xerada.

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Saldhiga waxay sheegtay inay soo xirtay qaar kamid ah Askartii iyo saraakiishii ku lugta lahayd falkaan lagu boobay Saldhiga, waxayna balanqaaday inay cadaaladda horkeeni doonto.

Sida Warsidaha Garowe Online ogaaday, Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukuntay Todoba kamid ah Ragga ay u qabatay dowladda fallkan dhaca ah, iyadoo tiro kale oo aan ku jirin gacanteeda xukuno kala duwan ku riday.

Xubnaha la xukumay ayaa kala ah, Saddex Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan iyo Maxammed Cabdi Sabriye, ayaa lagu xukumay min hal-sano oo xabsi Ciidan ah, halka Shan kale oo iyagana isku darajo ah lagu xukumay Lix bilood oo Xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa sii deysay Cabdullaahi Xasan Diiriye oo ahaa shacab, laakiin ka qayb qaatay qorshaha lagu boobay Saldhiga, laakiin xeer-ilaalintu kusii deysay inuu yahay mid aan gaarin da'dii lagu xukumi lahaa.

Maxkamadda ayaa waxay xukuntay Maqaniyaal kale oo uu ku jiro Macalimkii dugsiga Tababarka Jeneraal Gordan, iyadoo garka u gelisay min Shan sano oo Xabsi ciidan ah, sida GO u sheegeen illo xog ogaal ah.

Xubnaha maqan ee la xukumay ayaa waxay kala yihiin, magacyadooda: Saddex Alifle Xoogga dalka Ismaaciil Abuukar Muudey, Cali Maxammed Xasan, Qaaasim Ibraahim Aadan, Xuseen Maxammed Cismaan, iyo Maxamuud Muuse Yuusuf.

Xukunadan ayaa maxkamadu ku riday kadib markii lasoo bandhigay caddeymo iyo marqaatiyaal isugu jira Askar iyo dad Shacab ah, waxaana qaar kamid ah eedaysanayaasha ay qirteen Dambiga lagu soo oogay, sida ay GO u sheegeen Qareenadoodii.

Cidii aan ku qanac-saneyn xukunka ku dhacay, waxay Maxkamadu sheegay inuu u furan Racfaan, sida uu ka dhawaajiyay Kornayl Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow, oo kamid ah Garsooriyaasha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Talaabadan lagu xukumay Ragaan isugu jira Askarta, Saraakiisha iyo Shacabka, ayaa kusoo beegmaysa iyadoo tan markii la bililaqeystay Saldhiga Gordan amaanka Saldhiga si wayn loo adkeeyay, islamarkaana ay dowladdu la wareegtay maamulkiisa.

Waxyaabaha lagala baxay Saldhiga waxaa kamid ah Agab ciidan oo u badan Qoryo casir ah oo cusub, kuwaasoo Imaaraadka ugu talagalay inuu ku hubeeyo Askarta ay tababari jirtay, iyadoo ka qeyb-qaadaneysay dib u dhiska ciidanka xoogga.

Hubka laga bililiqeystay Saldhiga waxaa si suuq madow loogu iibiyay magaalada Muqdisho, iyadoo ay suurta-gal tahay inuu gacanta u galay Kooxda Al-Shabaab, ee dagaalka kula jirta dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM