Askar horleh oo laga dejiyey Gedo xilli ay xiisad jirto

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay ciidamo horleh ku daabushay gobolka Gedo xilli ay jirto xiisad kala dhaxeysa Jubaland taasoo hakisay geedi u socodkii doorashooyinka sanadka 2020-21.

Sidda ay muujinayaan warbixino lagu kasoon yahay, ciidanka maanta diyaaradda looga daabulay caasimadda Muqdisho oo ka tirsan kumaandooska Gorgor oo Turkiga uu dalka ku tababaray ayaa laga dejiyey magaalada Goolow.

Sawirro laga soo qaadey ciidamadda ayaa muujinaya in ay wataan qoryo AK47 ah iyo gaadiid dagaal. Muuqaalada qaarkood waxay tusinayaan in askarta qaar ay yihiin Koofiya Casta looga talagalay Ilaaladda Madaxtooyada Qaranka.

"Ciidankan ay soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta dowladda federaalka ugu magacaaban gobolka Gedo waxaa hor-boodaya taliye lagu magacaabo Liibaan Xasan Cali kaasoo ku xiran Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka," ayay sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online.

Talaabada ay ciidanka dowladda Soomaaliya ku geysay gobolka Gedo ayaa dab kusii shideysa is-qabqabsiga gobolkaas ee kala dhaxeeya Jubaland oo horey dhowr jeer u codsatay in askarta lagu celiyo Muqdisho si doorashad au dhacdo.

Sidoo kale, talaabadan ayaa sii adkeyneysa wadahadalada lagu waddo in dhowaan ay Muqdisho ku yeeshaan dowladda iyo maamulada kuwaasoo ajendayaasha ugu culus ee miiska saaran ay ku jirto qadiyadda gobolkan ku dhow Kenya.

Beesha Caalamka ayaa horey uga digtay talaabooyinka halka dhinac u adeegaya ee curyaaminaya geedi u socodka doorashooyinka iyaga oo ku baaqay in xal wada ogol ah laga gaaro dhamaan tabashooyinka ku xeeran coddeynta qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM