​Askar iyo Shacab loo xiray inay fududeeyeen Weerarkii Belad Xaawo

Image

BELED XAAWO, Somalia - Ciidamada amaanka magaalada Beled Xaawo, ee gobolka Gedo, ayaa xabsiga dhigay Askar iyo dad kale oo shacab ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al shabaab.

Wararka ayaa sheegay in la xiray 7 Askari oo katirsan Ciidamada Jubbaland, iyo 13 shacab ah, oo Ganacsato ay kamid yihiin, kadib markii looga shakiyay inay fududeeyeen weerarkii Al shabaab ku qaadey Beled Xaawo 11-ka bishan.

Saraakiisha magaalada qaarkood oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in dadkani ay ku xiran yihiin xabsiga Beled Xaawo, islamarkaana uu ku socdo baaritaanno la xiriira eedaha loo soo xiray.

Weerarkii Al shabaab ku qaadey Isniintii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay Askar badan, oo kamid ahaa Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland, halka qaarna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalyahanada Al shabaab ayaa u suurta gashay inay mudo kooban la wareegaan gacan ku haynta Beled Xaawo, kadib markii ay Qaraxyo ku bur-buriyeen difaacyadii Ciidamada u yaalla Koontaroollada laga galo Magaalada.

Weerarka wuxuu ahaa mid u muuqday in gudaha iyo dibadda si wanaagsan looga soo abaabulay, oo ay jireen dad kala shaqeeyay Al shabaab inay fuliyeen mid kamid ah weeraradii ugu cuslaa oo lagu qaado Beledweyne, oo wax ka yar 5KM u jirta Xuduuda Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM