Askar ka tirsan maamulka Jubaland oo shil gaari ku geeryoodey

Image

Kismayo, Nov 22,2014 [GO]- Mid kamid ah gaadiidka dagaalka maamulka Jubbaland oo ka soo ambabaxay tuulada Buulagaduud ayaa galabta ku rogmaday halka loo yaqaan dalcada Lug-loow oo Kismaayo u jirto 18km dhanka waqooyi.

Wararka ku soo dhacaya warqabadka GO ee Kismaayo ayaa sheegaya in 5 kamid ah askarta maamulka Jubbaland ay ku geeriyoodee shilkaas Gaari.

Sidoo kale 9 kamid ah askarta maamulka ayaa ku dhaawacmay shilka gaari halka lix kamid ah xalaadooda aad u culustahay.

Qorshe loogu qaadayo Galkacyo ragga dhaawaca halista ah ayaa ka socda Isbitaalka guud ee magalada Kismaayo.

Dalcada Lug-Loow ayaa inta badan waxaa ka dhaca shilalka gawaarida iyadoo dhinaca kale aqoonta darewalada wada gadiidka dagalka intooda badan aad u hooseyso kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac u gaysta ciidamada kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM