Askar kasoo goosatay Jubbaland oo isku dhiibay Al shabaab

Image

JILIB, Somalia - Afar askari oo uu ku jiro Saraal sare, ayaa isku dhiibay Kooxda al shabaab, kadib markii ay kasoo goosteen ciidamada maamulka Jubbaland.

Korneyl Yaasiin Faarax (Fiilo), iyo saddex askari oo kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah ayaa lagu soo bandhigay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo ku lebisan Dareeska Militariga, kuna hubaysan qoriga AK-47.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay in Askartan ay kasoo goosteen Kismaayo, kadib markii ay u dulqaadan waayeen Xusuuqa Ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia ee shacabka gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Abu Cabdalla, oo Al shabaab ugu magacaaban Jubbooyinka ayaa fagaaraha ku yaalla Jilib ka sheegay in cafiyeen askarta dhankooda kusoo biirtay, islamarkaana lacag ugu bedelayaan hubkooda. 

Maamulka Jubbaland wali kama uusan hadlin warkan, mana jirto Ilo ka madax-banaan Al shabaab oo xaqiijinaya in Sarkaalkan Col Fiilo lagu magacaabo iyo Askartiisa kamid ahaayeen ciidamada Jubbaland.

Al shabaab ayaa inta badan samaysay bandhig noocan ah, oo lagu micneeyay inay tahay Boro-bagaando ay ku muujinayso awoodeeda, inkastoo laga saarey inta badan deegaanadii ay ka talin jirtey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM