Askar katirsan dowladda oo Muqdishu ku dagaallamay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo katirsan ilaalada deegaanka ee caasumadda Somalia, ayaa lagusoo waramayaa inay ku dagaallameen magaalada Muqdishu, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhawac isugu jirta.

Isku dhaca labada ciidan ayaa ka dhacay degmada Dharkaynley ee gobolka Banaadir, waxaana gacan ka hadalkaas ku dhintay hal askari oo magiciisa lagu sheegay Nuur Calaa Nuur.

Goob joogayaal ayaa Garowe Online u sheegay in shaqaaqadu ka dhalatay is-maan dhaaf dhexmaray ciidankaas.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa degmada Dharkaynley oo shaqaaqadan ka dhacday.

Xaaladda magaalada ayaa iminka degan, waxaana arrinta soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta ciidamadaas oo xaaladda qabooyinka.

Maalmihii lasoo dhaafay iska hor imaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda Somalia  ayaa ka dhacayay magaalladda Muqdishu, waxaana inta badan uu khasaaro kasoo gaaraa dadka rayidka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM