Askar Kenyan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Gedo

Image

KISMAAYO - Ugu yaraan sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya [KDF] ayaa shalay oo Isniin ah lagu dilay deegaanka Gerille ee gobolka Gedo, sida ay saraakiishu sheegeen.

Gobolka Gedo wuxuu ku yaalaa meel ku dhaw xadka Kenya, waxaana ka howlgala ciidamada KDF oo inta badan lagu bartilmaameedsado wadooyinka iyo saldhigyada ay degan yihiin.

Dhacdada oo lasoo wariyay subaxnimadii Isniinta ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shan askari, sida ay saraakiishu sheegeen. Gaariga ay wateen ciidamada ayaa ku burburay qarxa oo wadada hareeraheeda ay dhigeen xoogaga Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan uu la socday kolonyo biyo ka soo dhaansaday meel ku taal gudaha dalka Kenya, wuxuuna u soo gudbayay dhanka Soomaaliya, iyadoo saldhigyada KDF kusii jeeday. Ilaa hadda, wasaaradda gaashaandhigga Kenya ayaan xaqiijin weerarka.

Gaariga, ayaa sawiradu muujinayaan in si xun u burburay, waxaana askarta dhaawacantay loola cararay Isbitaalka Magaalada Nairobi. Al-Shabaab ayaa bartilmaameed ka dhigatay ciidamada AMISOM, iyadoo isticmaalaysa walxaha qarxa.

Saraakiishu waxay sheegeen in argagixisadu ay ka faa'iidaysanayso xaaladda kala-guur, iyadoo weerarayso saldhigyada Ciidanka, waxayna waddooyinka u dhigtaa qaraxyo miino.

Ciidamada KDF ayaa ka mid ah kuwa AMISOM, kuwaasoo waajibaadkooda ugu weyn uu yahay in ay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Askarta KDF ayaa Soomaaliya ku sugnaa tan iyo 2011-kii, waxaana u suurta-gashay in ay Al-Shabaab ka saaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland intii uu socday howlgal loogu magac daray "Sledge Hammer".

Waxaa Soomaaliya ku sugan ku dhawaad ​​3,500 oo askari oo KDF ah kuwaas oo inta badan ka shaqeeya Qeybta II iyo IV ee AMISOM. Askartan, inkastoo ay xoreeyeen magaalooyin dhowr ah, ayaa 2016 iyo 2017 aad loogu laayay weerarradii Ceel-cadde iyo Kulbiyow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM