​Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Buurhakabo

Image

BUURHAKABO, Somalia- Ugu yaraan 5 Askari oo katirsanaa ciidanka dowladda Somalia ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Buurhakabo.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday miino ayaa waxa uu ka dhacay saldhig ciidamada ay ku leeyihiin gudaha degmada, xilli hore oo maanta ah.

Sida uu Goobjooge uu xaqiijiyay GO, lix askari oo kale ayaa dhaawacyo culus kasoo gaarey weerarka, kaasi oo mas'uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al shabaab.

Weerarka ayaa ahaa mid xooggan, oo dhawaqiisa saakay laga maqlay xaafadaha degmada Buurhakabo, waxaana la sheegay inuu waxyeello gaariiyay dad shacab ah.

Wararka intaas ku daraya in Ciidamadu sameeyeen howlgal ay kusoo xireen tiro dad shacab ah, oo ay uga shakiyeen inay ku lug leeyihiin Qaraxa.

Degmada Buurhakabo ee gobolka Baay waxaa mudooyinkii dambe ka dhacay qaraxyo dhulka lagu aasay, oo qaar kamid ah lagu dilay Gudoomiyihii degmada iyo ku xigeenkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM