Somalia: Askar ku dhimatay Qaraxyo ka dhacay gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia - Labo qarax oo sababay khasaarooyin kala duwan, ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen maanta deegaano ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Inta la xaqiijiyay 7 Askari oo isagu jira Soomaali iyo AMISOM ayaa lagu dilay qaraxyadan, oo ahaa miinooyin lagu aasay wadooyin ay ciidamada marayeen ou dhaxeeya magaalada Baydhabo iyo degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyada labada qarax, oo kan hore uu haleeyay Kolonyi ay la socdeen Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Ethiopia xilli ay ka yimaadeen dhanka degmada Waajid, kuna soo jeedeen magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay saddex Askari, iyadoo kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Qarax kale oo kaasi lamid ah ayaa waxaa deegaanka Goofgaduud lagula eegtay Gaari ay saanaayeen Askar katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia, waxaana ku dhimatay 4 Askari. 

Ma jirto war ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed iyo AMISOM oo ku aadan qaraxyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM