​Askar ku dhimatay Shil ka dhacay gobolka Galgaduud

Image

CADAADO, Somalia-  Labo Akari ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 10 kalena way ku dhaaacmeen Shil gaari oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Somalia.

Saraakiisha gobolka ayaa xaqiijiyay in shilka uu dhacay kadib markii Gaari ay la socdeen Ciidamo katirsan dowladda Federaalka uu ku rogmaday inta u dhaxay degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq.

Shilkan ayaa yimid markii wadihii Gaariga nooca Cabdile-Bilaha, oo lumiyay Koontaroolka, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha.

Ciidamo kale oo kuwa Dowladda ah ayaa gaarey goobta, oo ay kasoo qaadeen askarta dhaawaca ah iyo meydadka kuwa dhintay, oo dib loogu soo celiyay magaalada Cadaado, oo saaka ay ka ambabaxeen.

Askarta shilka gashay waxay katirsan yihiin Guutada 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka Somalia, oo fadhigoogu uu yahay oo degan duleedka magaalada Cadaado, ee xarunta KMG maamulka Galmudug.

Shilalka inta badan ka dhaca gobollada dhexe ee dalka Somalia waxaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo wadiyaasha gaadiidka oo aan lahayn xirfad ku filan oo dhanka kaxeynta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM