​Askar ku dhimatay Shil ka dhacay gobolka Galgaduud

Image

CADAADO, Somalia-  Labo Akari ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 10 kalena way ku dhaaacmeen Shil gaari oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Somalia.

Saraakiisha gobolka ayaa xaqiijiyay in shilka uu dhacay kadib markii Gaari ay la socdeen Ciidamo katirsan dowladda Federaalka uu ku rogmaday inta u dhaxay degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq.

Shilkan ayaa yimid markii wadihii Gaariga nooca Cabdile-Bilaha, oo lumiyay Koontaroolka, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha.

Ciidamo kale oo kuwa Dowladda ah ayaa gaarey goobta, oo ay kasoo qaadeen askarta dhaawaca ah iyo meydadka kuwa dhintay, oo dib loogu soo celiyay magaalada Cadaado, oo saaka ay ka ambabaxeen.

Askarta shilka gashay waxay katirsan yihiin Guutada 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka Somalia, oo fadhigoogu uu yahay oo degan duleedka magaalada Cadaado, ee xarunta KMG maamulka Galmudug.

Shilalka inta badan ka dhaca gobollada dhexe ee dalka Somalia waxaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo wadiyaasha gaadiidka oo aan lahayn xirfad ku filan oo dhanka kaxeynta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM