Askar lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Askari oo katirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya yaa lagu dilay magaalada Muqdisho, xilli amniga uu faraha kasoo baxayo.

Dabley hubaysan ayaa labada Askari oo kamid ahaa Militeriga Soomaaliya ku dhex dilay Guri ay ka deganaayeen nawaaxiga Warshadii hore ee Baastada, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Kooxda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay kahor inta aysan Ciidamada dowladda soo gaarin, waxaana socda baaritaan la xiriira falkaasi oo qeyb ka ah dhacdooyin amni darro oo mudooyinkii dambe ka dhacayay Muqdisho.

Habeen kahor, Xildhibaan katirsanayd Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabi jiray Ruqiyo Abshir Nuur ayaa lagu dilay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Marka laga soo tago dilalka qorsheysan, qaraxyo dhowr ah ayaa bishan ka dhacay Muqdisho kuwaasi oo ugu dambeeyay mid shalay ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoobe, kaasi oo uu ku dhintay Shaqaale katirsanaa Hay'adda ICRC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM