Askar lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan afar ruux, oo saddex kamid ah ay ahaayeen Askar katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose.

Sarkaal karirsan maamulka gobolka, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in weerarka uu ka dhacay inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Wuxuu sheegay Sarkaalkan in Koox hubaysan ay rasaas ku fureen gaari BL ah oo ay la socdeen Askarta iyo dad shacab ah, oo ka ambabaxay Afgooye kuna sii jeeday gobolka Baay.

Dableyda weerarkan gaysatay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen qawlaysato jidka ku dhaca rakaabka la socda Gaadiidka isagala kala goosha gobollada Baay iyo Shabeellaha hoose.

Maamulka gobolka kama uusan hadlin weerarkanka, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa, balse waxaa inta badan dhacdooyinka noocan ah looga bartay Al Shabaab.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa kamid ah gobolada ay ku xoog badan yihiin xoogaga Al Shabaab, waxaana sidoo kale ka dhacay dagaallo u dhaxeeyo labo beelood oo isku haya maamulka gobolkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM